Mareykanka oo qorsheynaya inuu shaqaaleysiiyo 30 kun oo shaqaale cusub.

0
119

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda dakhli ururinta Maraykanka ee IRS ayaa qorshaynaysa inay shaqaalaysiiso ku dhowaad 30,000 oo shaqaale cusub ah iyo adeegsiga agab tiknooloji oo cusub, labada sano ee soo socota, iyada oo kor u qaadaysa qorshe maalgashi oo ku kacaya illaa $80 bilyan oo dollar, si loo horumariyo cashuur ururinta iyo adeega macaamiisha, sida ay sheegtay IRS maalinimadii Khamiista.
Hay’adda cashuuraha ee Maraykanka ayaa qorshaheeda hawlgelinta ee istaraatejiyadeed, waxaa la sugayey muddo dheer, iyada oo sannad miisaaniyadeedka 2023/24 qori doonta illaa 8,782 shaqaale ah oo noqon doona kuwo qaabilsan dhaqangelinta cashuuraha.
Xoghaye ku xigeenka Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegay in IRS ay qori doonto saynisyahannadii ugu badnaa oo ka shaqaynaya hawlaha dhaqangelinta, isaga oo intaas ku daray inay kaabi doonaan qareenada cashuuraha iyo saraakiisha dakhli ururinta, sidii ay u adeegsan lahaayeen farsamooyinka casriga ah, si ay u abla-ableeyaan xogta, isla markaana ay u aqoonsan karaan meelaha ay tahay in lagu sameeyo baadhitaan.
IRS ayaa sidoo kale sii wadaysa inay kordhiso shaqaalaha qaabilsan adeegyada macaamiisha, iyada oo shaqaalaysay doonta illaa 5,000 oo shaqaale cusub oo qaabilsan adeegyada cashuurbixiyayaasha bilihii la soo dhaafay, si ay uga jawaabaan telefoonada, isla markaana u caawiyaan cashuurbixiyayaasha.
Labada sano ee soo socota ayaa la filayaa in shaqaalaha adeega cashuur bixiyayaasha in la gaadhsiiyo illaa 13,883.
Lacagta $80-ka bilyan ah ee loo qoondeeyey IRS, ayaa ka imanaysa lacagihii ku jiri sharcigii xakamaynta sicirbararka, kaas oo lacagtan loogu daray, sidii dib loogu habayn lahaa hantidhawrka hay’adda, isla markaan looga bedeli lahaa nidaamkeeda Computer-ada ee gaboobay, ka dib markii sannado badan ay lacagaha ka yarayn jireen golayaashii Congresska ee ay u badnaayeen xisbiga Jamhuurigu.