Barakacayaal ku nool Baladweyne oo codsaday in caruurtooda loo ciidsiiyo.

0
106

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Inkastoo ay jiran dad badan oo ku nool magaalada Baladweyne oo caruurtooda u iibiyay dharka ciida ayaa haddane waxaa jira dad danyar ah oo ku nool kaamamka barakacayasha ee ku yaalla magaalada Baladweyne oo awoodin inay caruurtooda u iibiyaan dharka ciida.

Qaar ka mid ah waalidiinta ku sugan Xeryaha Barakacayaasha ee Magaalada Baladweyne ayaa Radio Beerlula usheegay inaysan awoodin inay dhar ciid u iibiyaan caruurtooda iyaggoo dalbaday in laga caawiyo sidii caruurtooda uga qeyb qaadan lahayeen farxada ciida.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.