Bahda ciyaaraha Dhuusa-mareeb oo sheegay in ay daafurayaan koobka heerka koowaad iyo labaad .

0
105

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Cabdijallil Nuur Axmad Gudoomiyaha Xiriirka kubadda cagta Dhuusamareeb ayaa sheegay in bisha Ramadaan kadib qorsheynayaan qabashada tartanka kooxaha heerka 2aad ee Casimada.

Waxaa uu Wasaaradda Ciyaaraha Galmudug, maamulka caasimada iyo Ganacsatada Dhuusamareeb ka codsaday in ay katageraan qabashada tartamada kubadda cagta.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.