Atoore 30 lafood ka jabay si uu u badbaadiyo wiil uu adeer yahay

0
109

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Atoore ka tirsan taxanaha “Avengers”, oo la yirahdo Jeremy Renner, ayaa sheegay in shilkii uu galay xilligii barafka ee bishii Jannaayo uu ahaa mid uu isagu khaladka lahaa.

Renner waxa uu ka jabiyay in ka badan 30 lafood markii uu isku dayay in uu joojiyo gaariga si uu uga hortago inuu dul maro wiil uu adeer u yahay. Shilka ayaa dhacay maalintii koobaad ee sannadkan 2023.

Wareysigii ugu horeeyay ee Renner oo buuxa tan iyo shilka ayaa laga sii daayay Khamiistii hore warbaahinta ABC, kaasoo oo uu ku yiri: “Waa inaadan ka bixin gaariga inta uu ordaya, ma ogtahay waxa aan ula jeedo? Waxa uu intaa ku daray, “Wuxuu ahaa shilka khalad dhankayga ka yimid, oo aan hadda mirihiisa guranaya.” .”

Renner, oo 52 jir ah, ayaa laba goor ku guuleystay abaalmarinta Oscar.