Deeq raashin ah oo loo qeybiyay dad danyar ah oo ku nool Kismaayo

0
202

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 1350 qoys oo ku nool deegaanada waqooyi ee magaalada Kismaayo ayaa loo qeybiyey deeq raashiin oo ka kooban Bariis, Bur, Sonkor Baasto Caano Timir iyo Saliid waxaana deeqda raashiinka ah ay katimid Saldanada Cumaan

Waxa ka qeyb galay madasha lagu qeybinayey deeqda agaasimaha wasaarada gargaarka maareynta iyo masiibooyinka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga Jubbaland Muqtaar sheikh Axmed iyo gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada magaalada kismaayo Naajib Barre Salaad.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulahi.