Qoysas danyar ah oo deeq raashin ah loogu qeybiyay dhuusmaareeb.

0
164

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 30 qoys oo danyar ah oo ku nool Magaalada dhuusmaareeb ee caasimadda Galmudug ayaa loo qeybiyay deeq raashin ah oo iskugu jirta bur, bariis, iyo Sokor.

Deeqdan raashinka ah  ayaa waxaa bixiyay ururka haweenka Magaalada dhuusmaareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana dadka ka faa’ideystay ka mid ah qoysaskii dhawaan ay saameeyeen  dadaadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay Magaalada dhuusmaareeb.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saney