Shirkadda Tesla ee baabuurta oo balaarinaysa xarumaha warshadaheeda

0
115

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda baabuurta korontada ee Elon Musk ee Tesla, ayaa sheegtay inay isku balaarinayso dalka Shiinaha, iyada oo dhisaysa warshad cusub oo ay ku samaynayso batariyada waaweyn.

Shirkadda ayaa sheegtay in warshada oo ku taalla magaalada Shanghai ay awood u yeelan doonto inay soo saarto 10,000 oo ka mid ah unugyada kaydinta tamarta ee “Megapack” sannadkii.

Megapack waa baytari aad u weyn oo loo isticmaali karo in lagu xasiliyo shabaqyada tamarta, loogana hortagayo korontada.

Tesla ayaa waxay horey u lahayd warshad Megapack oo ku taalla gobolka California, taasoo sidoo kale soo saarta 10,000 oo xabo sanad kasta.