Tahriibayaal gaaraya 1,200 oo lagasoo bad-baadinayo xeebaha Talyaaniga

0
175

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa wada labo howlgal oo ballaaran oo ay ku soo badbaadiyeen ku dhawaad 1,200 oo tahriibayaal ah oo la socday doomo buux dhaafiyay xeebaha Sicily.

Ilaa 800 oo qof ayaa ku safraya mid ka mid ah doomaha kalluumeysiga, halka ku dhawaad 400 ay saaran yihiin mid kale.

Soogalootiga tagaya Talyaaniga ayaa aad kor ugu kacay marka la barbar dhigo isla muddadaan sannadkii hore, in kasta oo ay dawladda isbahaysiga garabka midig dadaal ugu jirtay sidii ay u joojin lahayd socdaalka aan caadiga ahayn.

Haweeney ka mid ah dadka doonta saarnaa ayaa sidoo kale sheegtay in uu ka maqan yahay kabtankeeda ayna ku jiraan dhowr qof oo u baahan daryeel caafimaad.