Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Xiisaha Jude Bellingham

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.

19 jirkaan ayaa Dortmund kula jira heshiis dhacaya June 2025, laakiin waxa uu haatan xiiso ka helayaa Yurub.

Liverpool ayaa loo malaynayay in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga kooxda Dortmund ee Bellingham iyada oo muddo dheer lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga.

 

 

Naby Keita, Alex Oxlade-Chamberlain iyo James Milner ayaa dhamaantood la filayaa in ay isaga tagaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka marka uu heshiiskoodu dhoco.

Sida laga soo xigtay The Independent, Liverpool ayaa qaadatay go’aan ay ku joojinayso baacsiga Bellingham oo ay diiradda saarto bartilmaameedyada kale.

Wararka ayaa sheegaya in ayna Liverpool doonayn in ay lacag badan ku bixiso hal xiddig waxana ay doonaysaa in ay saxiixyo badan lacagtaas ugula soo wareegi lahayd.