Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo hirgelineysa hay’ad ka shaqeysa koontaroolka dhaqaatiirta iyo daawooyinka.

0
208

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in ay daahfuri doonaan dhismaha hay’ad cusub oo ka shaqeyn doonto hubinta dhaqaatiirta si loo kala ogaado dhaqtarka saxa iyo kan kale.

Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in waayadii dambe ay soo bateen dhaqaatiir cusub oo aanan aqoon ku filan heysanin, iyadoona laga dhaxlay dhibaatooyin badan oo dhanka caafimaadka ah.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cumar Yuusuf Aadan.