Warbaahin dal Carbeed ku taalla oo markii ugu horreysay shaqaaleysiisay robot warka akhrineysa

0
103

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbaahin ku taalla dalka Kuwait ayaa sheegtay inay la timid war-tebiye macmal ah iyadoo la adeegsanayo waxa loo yaqaanno artificial intelligence (AI).

“Fedha” oo ah gabadhan mashiinka macmalka ah waxaa lagu shaaciyay akoonka Twitter-ka ee Kuwait News, oo ah laan ka tirsan warbaahinta Kuwait Times.

Waxay u muuq ektahay haweeney timo cad, oo xiran jaakad madow iyo funaanad cad.

Abdullah Boftain, oo ah tifaftire ku xigeenka Kuwait News, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tallaabadan lagu tijaabiyay muhiimadda mashiinnada macmalka ah ay u leeyihiin inay dadka u tebiyaan “warar cusub oo qaab casri ah loo tebiyay”.

“Waxaan ahay Fedha, war-tebiyihii ugu horreeyay Kuwait ee qaab mashiin macmal ah kula shaqeysa Kuwait News. Warar noocee ah ayaad daneyneysaa? Aan maqalno fekerkinna,” ayay gabadhan mashiinka macmalka ah ku tiri luqadda Carabiga.

Mr Boftain ayaa sheegay in laga yaabo in Fedha ay barato lahjadda Kuwait ayna akhriso wararka kooban ee barta online-ka ay kusoo gudbiyaan.