FBI oo baaraysa rakaab isku dayay inay furaan albaabka ‘diyaarad hawada ku jirta’

0
170

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda duulimaadyada ee Maraykanka ayaa sheegtay khamiistii inay hay’adda dembi baadhista gudaha ee FBI ay u gudbisay illaa 17 qof oo rakaab diyaaradeed ah oo dheeraad ah, kuwaas oo lagu soo oogi doono dacwado dembi ah.

Falalkan aan wanaagsanayn ayaa si weyn u soo shaac baxay bishii hore ee March, ka dib markii uu nin isku dayey inuu furo albaabka gurmadka degdegga ah ee diyaaradda, xilli ay diyaaraddu hawada ku jirtay, isaga oo adeegsaday hub macmal ah si uu ugu weeraro shaqaalaha diyaaradda.

Hay’adda duulimaadyada Maraykanka ayaa sheegtay in dacwadaha ay u gudbiyeen hay’adda FBI inay ku jiraan, kuwo lagula kacay shaqaalaha iyo rakaabka diyaaradda, laga soo bilaabo bishii July ee sannadkii 2022 illaa bishii March ee sannadkan 2023.

Hay’adda duulimaadyada ayaa sheegtay in tan iyo dhammaadkii sannadkii 2021 in tirada dacwadaha ay u gudbisay FBI inay guud ahaan kor u dhaafayaan 250.

Hay’adda ayaa soo jeedisay in ciqaab madani ah ay la kulmaan dadka khalkhal geliya ammaanka diyaaradda, oo ay ku jirto ganaax lacageed oo gaadhaya illaa $37,000, halkii xadgudubba.