GO’AAN: N’Golo Kante Oo Bilaash Ku Baxaya Iyo SIDDEED Ciyaartoy Oo Ay Blues Suuqa Dhigayso

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa suuqa dhigaysa siddeed ciyaartoy oo uu ku jiro xiddiga reer England ee Mason Mount ee ay kooxaha badan doonayaan, mrka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga foodda inagu soo haya.

Chelsea aya dhowaan shaacisay, in xilli ciyaareedkii 2021-22 ay gashay khasaare gaadhaya £121.3 milyan oo Gini, ayaa waxay sidoo kale qiratay in sannadkii hore ay khasaareen £274 milyan oo Ginbi, waana heerkii ugu xumaa ee khasaare ah ee ay Blues gadho.

Kooxda ka dhisan woqooyiga London oo sidoo kale labadii suuq ee ugu dambeeyey ciyaartooyo cusub ku iibsatay lacag ka bdan £600 milyan oo Gini, ayaa waxay halis ugu jirtaa ganaaxyo, iyadoo lagu eedyanayo inay meel kaga dhacday sharciga dhaqaala.

Sida uu qoray wargeyska Mirror, siddeed ciyaartoy oo Chelsea ah ayaa ka tegi doona Stamford Bridge marka uu suuqa iibka ciyaartoydu furmo, waxaana ka mid ah Mason Mount, Mateo Kovacic iyo laacibka heshiiskiisu dhamaadka yahay ee N’Golo Kante oo si xor ah ku bixi doona, inkasta oo dhowaanahan la sheegayay in Blues ay qarka u saaran tahay inay heshiis cusub ka saxeexdo.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda la iibin doono ku jira labada kulliyadda kasoo baxay ee Conor Gallagher iyo Ruben Loftus-Cheek. Waxa kale oo raci doona Hakim Ziyech, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Christian Pulisic.