Mushaharka Uu Qaadanayo, Sannadaha Uu Saxeexayo Iyo Faahfaahinta Heshiiska Ay Barcelona La Gaadhay Ilkay Gundogan

0
137

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la sheegay inay heshiis buuxa la gaadhay kabtanka kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan oo si xor ah ugu soo biiri doona xagaaga marka uu dhamaado qandaraaska uu laacibkani kula jiro kooxda tababare Pep Guardiola oo uu ka diiday heshiisyo cusub oo ay u bandhigtay.

Gellinkii hore ee maanta ayay dhinacyadu heshiiska dhamaystireen, waxaana kaliya hadhsan in saxaafadda loosoo bandhigo, inkasta oo durba la helayo faahfaahinta iyo tafaasiisha ku jirta heshiiska ay dhinacyadu gaadheen.

32 jirkan ayaa shaacinta heshiiskiisa lala sugi doonaa inta ay Barcelona hubsanayso dacwadda ku socota ee dhinaca dhaqaalaha iyo in horyaalka LaLiga uu siiyo ogolaansho ay ciyaartooyo cusub ku keeni karaan Camp Nou, maadaama uu madaxweynaha horyaalka Spain uu dhowaan sheegay in aan loo ogolaan doonin kooxdan inay ciyaartooyo cusub la saxeexato.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Ferran Correas, Ilkay Gundogan waxa uu Barcelona u saxeexay heshiis soconaya muddo laba sannadood ah oo ay dhamaystireen Ilhan Gundogan oo adeer u ah ciyaartoygan oo shalay ku sugnaa waddanka Spain iyo agaasimaha ciyaaraha Brcelona ee Mateu Alemany.

Mushaharka Ilkay Gundogan ee sannadkii ayaa noqon doona €12  milyan oo Gini oo Euro isaga oo ka mid noqon doona ciyaartoyga meel-dhaxaadka uu yahay mushaharkoodu ee ku sugan Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, Ilkay Gundogan ayaa waxa uu tartan kala kulmi doonaa Frenkie de Jong, Pedri, Gavi, Franck Kessie iyo haddii uu sii joogo Sergio Busquets.