Dowladda Soomaaliya iyo saddex bangi oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

0
129

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hay’adda Gargaara oo ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya islamarkana ka shaqeysa horumarinta ganacsiga dalka iyo Bankiga Aduunka ayaa heshiis la saxiixday Bankiyada my-Bank, Som-Bank, iyo Daryeel-Bank oo ka howl-gala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Heshiiskan ayaa ku qotoma sidii loo horumarin lahaa ilaha kala duwan ee wax soo saarka dalka sida Beeraha, Xoolaha, kaluumeysiga, Tamarta, Dalxiiska, Waxbarashada iyo Horumarinta dhallinyarada.

 

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi.