Mashruuc lagu horumarinayo biyaha oo laga hirgeliyay Deegaanka tasjiic ee gobolka Bari.

0
145

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Gudoomiyaha Degmada Bosaaso ahna wasiir ku-xigeenka wasaaradda Qorshaynta Maamulka Puntland Xasan Cabdalla Xasan iyo Masuuliyiin kale ayaa si wadajir ah Xariga uga jaray Mashruuca horumarinta biyo balaarinT deegaanka tasjiic ee hoos yimaada degmada Boosaaso.

Ujeedka loo hirgaliyay barnaamijkaan mashruuca hormarinta Biyaha waa in ay helaan biyo ku filan bulshada iyo xoolo dhaqatada ku nool deegaanka tasjiic , iyada oo la adeegsanaayo biyo keedin balaaran si ay ugu faaidaystaan bulshada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.