HORDHAC: Nottingham Forest vs Man United

0
178

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kulankaan wuxuu muhiim weyn u yahay labada kooxood oo guul u baahan. Nottingham Forest oo aan badinin muddo sagaal kulan ah kuna jirta seddexda kooxood ee ugu hooseysa waxay u baahan yihiin inay wadada guusha cagta saaraan si ay uga badbaadaan inay u laabtaan heerka labaad.

Man United oo iyadana xaalkeeda uu liitay isbuucyadii ugu danbeysay gaar ahaan marka ay martida tahay, waxayna isku dayayaan inay ka fogaadaan kulankii seddexaad oo isku xigta oo dhibic iyo gool la’aan ay la soo laabtaan. 

XOGTA KULANKA:

Nottingham Forest vs Manchester United

Garoonka: City Ground

Waqtiga: 6:30pm Saacada Geeska Afrika

MAXAA KA CUSUB?

Nottingham Forest waxaa ka maqan 11 ciyaaryahan oo ay ku jiraan Serge Aurier, Cheikhou Kouyate, Moussa Niakhate, Gustavo Scarpa iyo Ryan Yates.

Giulian Biancone, Willy Boly, Dean Henderson, Renan Lodi, Omar Richards, iyo Chris Wood ayaa iyagana ka maqan.

Manchester United waxaa ka maqan daafacyada dhexe ee Raphael Varane iyo Lisandaro Martinez iyadoo daafaca Argentina uu garoomada ka maqnaanayo inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Marcus Rashford ayaa weli la maqan dhaawac gumaarka ah, laakiin Scott McTominay iyo Luke Shaw ayaa soo laaban kara.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Nottingham Forest: Navas; Williams, Worrall, Felipe, Toffolo; Freuler, Danilo, Mangala; Gibbs-White, Johnson; Dennis

Manchester United: De Gea; Dalot, Lindelof, Maguire, Malacia; Fernandes, Casemiro, Eriksen; Antony, Martial, Sancho