Man United Oo Garaacday Nottingham Forest

0
135

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester United ayaa kusoo laabatay dariiqa guusha kaddib niyad-jabkii Khamiistii ee Sevilla ee Old Trafford, waxaanay cadho kula dhaceen Nottingham Forest oo ay ka tirsadeen saddex dhibcood oo muhiim ah.

Laba gool oo labadii qaybood ay kala dhaliyeen Antony iyo Diogo Dalot ayaa Manchester United siiyey guul dahabi ah oo ay si buuxda ugula wareegeen kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ee ay lumiyeen naadiyadii lagu dhegay ee Newcastle iyo Tottenham.

Red Devils oo walaacsanayd ka hor ciyaarta maadaama ay ka dhaawacan yihiin labadia difaac dhexe ee uu kalsoonida weyn ku qabto Erik ten Hag ayaa waxay soo bandhigeen ciyaar kalsooni leh oo ay heleen fursadihii ugu badnaa, isla markaana si fiican isku caabiyeen.

Weerar waqti hore ahaa oo ay soo qaadday Nottingham Forest oo garoonkeeda lagu ciyaarayay ayaa waxa isku miineeyey Harry Maguire oo kadh degdeg  ah ku qaatay daqiiqaddii saddexaad, ka hor intii aanu McKenna birta garaacin ee aanu argagax gelinin goolhaye David de Gea.

Xiddiga Brazil ee Antony oo ahaa geesiga Manchester United siiyey guushan ayaa waxa uu dhawr jeer soo dumiyey difaaca bidix ee ee Nottingham Forest inkasta oo aanu gool u beddelin fursadihii badna ee uu helay.

Kubbad uu Anthony Martial ku toogtay goolka ayaa waxa badbaadiyey goolhaye Keylor Navas oo laf-dhuungashay ku noqday Manchester United, laakiin waxay kubaddaas oo uu dib usoo celiyey u tagtay Antony oo dib ugu celiyey goolka, kuna hubsaday shabaqa daqiiqaddii 31aad.

Manchester United ayaa u qalmaysay inay laba gool oo kale la timaaddo qaybta hore, waxaase fursadaha ka khasaariyey Bruno Fernandes oo ay muuqatay inay ka go’nayd inuu gool dhaliyo iyo Antony oo ay habeenkiisii ahayd.