Romelu Lukaku Oo Lagu Qasbayo Kooxdii Uu Nacay & Go’aanka Inter Milan

0
179

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa dib ugu soo laaban doona Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkasta oo aanu doonayn inuu mar dambe yimaaddo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.

Lukaku oo Chelsea ay sannadkii 2021 kaga soo iibsatay Inter Milan laacag gaadhaysa £98 milyan oo Gini, ayaa waxa amaah loogu diray naadigiisa hore ee Talyaaniga, kaddib xilli ciyaareed uu ku dhibaatooday Stamford Bridge.

Inter Milan ayaa go’aansatay in aanay 29 jirkan iibsanin o ay db ugu celiso Stamford Brdge isaga oo 24 cyaarood oo uu u sftay u dhalyey toddoba gool, waxaana waqtigiisa dilay dhaawacyo kusoo noqnoqday oo sababay inuu lumiyo qaabkiisii fiicnaa.

Sida uu qoray wargeywska Gazzetta dello Sport, Lukaku ayaa dib ugu laaban doona Chelsea oo uu isku dayi doono inuu mar kale la jaan-qaado, laakiin ma aha arrin uu raalli ka yahay e waxa kaliya ku qasbaya qandaraaska uu kula jiro Blues.

Kooxda horyaalka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa hore rajo uga qabtay inay la saxeexan karto, laakiin waxa aan u saamaxayn duruufaha dhaqaale iyaga oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey diiwaangeliyey £784 milyan oo Gini oo khasaare ah, halka sannadkii tegayna ay £133 milayn oo Gini khasaareen.

Heshiiskii amaahda ahaa ee ay Inter Milan kula soo wareegtay Lukaku ayaa waxa uu dhigayay inay bixiyaan £6.9 milyan oo Gini oo lacagta amaahda ciyaartoyga ah iyo qayb ka mid ah mushaharkiisa.