Ardey baratay culuumta shareecada Islaamka oo shahaadooyin iyo abaalmarino lagu guddoonsiyay Berbera.

0
146

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa lagu qabtay munaasabad shahaadooyin iyo abaalmarino lagu guddoonsinayay 10 ardey oo baratay culuumta shareecada islaamka sida Tafsiirka, siirada, fiqiga iyo qisooyinka qur’aanka kariimka, waxana ardeydan ay ka aflaxeen machadka Berbera.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, culumaaudiin, bahda waxbarashada, waalidiin, ardeyda qalin jabisay iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saney