Baladweyne (Radio Beerlula)-Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Mathira, Eric wa Mumbi, ayaa calmaday haweeneyda haysa jagada wakiilka dumarka ee ismaamulka Muranga, ee Betty Maina.
Labadan xildhibaan ayaa haatan qorsheynaya inay aqal galan iyadoona xiriirkooda jaceyl uu mar hore soo if baxay.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua , iyo hogaamiyaal kale ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galan xaflada arooska labadan Xildhibaan.
Xildhibaan Eric, ayaa carabka ku dhuftay in uu la kulmay Maina sanadkii 2021-kii, waxa uuna yiri “waxa aan ogaaday inay haweeneydan leedahay wax walba oo uu doonayo, in xaas uu ka helo”.
Waxa uu sheegay xildhibaan Eric inay bilaabeen haasaawahooda labo sano kahor, isla markaana ololihii doorashada ee 9-ka August ee sanadkii hore, ay go’aansadeen inay is guursadaan.