Beeraleyda gobolka Hiiraan oo bilaabay inay tacbadan beerahood kadib markii roobabkii guga ay curteen.

0
137

Baladweyne (Radio Beerlula)-Beeraleyda deegaanka Leebow oo ka mid ah deegannada hoos taga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa bilaabay inay tacbadan beerahooda kadib markii roobabkii guga ay ka curteen dalka islamarkana si weyn ay ugu diirsadeen dadka iyo duunyada oo muddo la dala dhacayay abaarta.

Dalagyada ugu badan ee beeraleyda xiligan ay abuurayaan ayaa waxaa ka mid ah galeyda, digirta, iyo yaanyada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.