Manchester United & Man City Oo Iskugu Soo Baxay Finalka FA Cup,

0
148

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa iska xaadirisay finalka FA Cup oo ku dagaallami doonaan Manchester City kaddib markii ay guul rafaad ah oo rikoodheyaal 6-7 ah kaga adkaadeen Brighton kulan socday 120 daqiiqadood oo aan wax gool ah la kala dhalin.

Garoonka Wembley ayaa u goleeyey Manchester United iyo Brighton oo ay labada kooxoodba heleen fursado waaweyn oo ay goolal u beddeli karayeen, laakiin waxay ogolaadeen in 90kii daqiiqadood ee waqtiga caadiga ah iyo 30 daqiiqadood oo dheeraad ah oo lagu daray aanay wax goolal ah iska dhalinin.

Brighton ayaa heshay fursadaha badan ee ciyaarta iyaga oo David de Gea ku qasbay inuu sameeyo badbaadino cajiib ahaa laba jeer oo saddex daqiiqadood oo qaybta labaad ahaa, halka waqtigii dheeraadka ahaa uu Marcus Rashford darbad xooggan waxyar ula sigay goolka, ka hor intii aanu De Gea lugta gelinin kubbad uu Mitoma ula tegay.

Ciyaartan ayaa noqotay semi-finalkii ugu horreeyey ee rikoodheyaal lagu kala baxo tan iyo sannadkii 2014 oo ay Arsenal rikoodheyaal kusoo dhaaftay Wigan Athletic, halka Machester United ay u tahay markii labaad oo ay rikoodheyaal ku tagto finalka FA Cup, waxaanay sannadkii 2009 sidan oo kale kusoo dhaaftay Everton.

Victor Jörgen Nilsson Lindelöf ayaa noqday geesiga Manchester United ee dhaliyey rikoodhihii toddobaad, halka Brighton uu laadkoodii toddobaad cidka ku toogtay March oo birta dul-mariyey, sidaas ayaanay Manchester United ugu soo gudubtay finalka FA Cup.

Manchester United iyo Manchester City ayaa wada ciyaari doona finalka FA Cup oo ka dhici doona garoonka Wembley Stadium horraanta bisha June.