Hindiya oo toddobaadkan noqoneysa dalka ugu dadka badan dunida

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalka Hindiya ayaa dhaafi doona Shiinaha, iyadoo noqon doonta dalka ugu dadka badan adduunka dhamaadka usbuucan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dadka Hindiya, ayaa la filayaa in ay gaaraan 1,425,775,850 qof dhammaadka Bishan Abriil, xogta cusub ayaa muujineysa.

Hay’ad kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa toddobaadkii hore saadaalisay in dadka dalka India ay dhaafi doonaan tiro ahaan dadka dalka Shiinaha bartamaha sanadkan.

Wadamada Aasiya, ayaa waxay noqonayaan in ka badan seddex meelood meel dadka adduunka in ka badan 70 sano.

“Shiinuhu waxa uu dhawaan lumin doonaan maqaamkii uu mudada dheer haystay, ee ahaa dalka ugu dadka badan adduunka,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay waaxda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Qaramada Midoobay (DESA).