Tababar ku saabsan badbaadada iyo xakameynta tayada sheybaarka oo lagu qabtay Baladweyne.

0
126

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan dhinacyada guud ee badbaadada shaybaadhka iyo xakamaynta tayada Shaybaarada caafimaadka, waxana tababarkan soo qaban qaabisay qeybta tababarada ee wasaaradda caafimaadka Somaaliya.

Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 dhalinyaro ah oo ka kala socda jaamacaddaha magaalada Baladweyne, waxana uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.