Pakistan oo shidaal ka soo iibsatay Ruushka ka dib markii Maraykanku u ogolaaday.

0
133

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay dalka Ruushka ka soo iibsatay saliida caydhiin, taas oo lagu siiyey qiime jaban, ka dib markii ay ogolaansho ka heshay dawladda Maraykanka.

Shixnadda ugu horraysa ee shidaalka ay ka iibsatay Ruushka ayaa dalkaas soo gaadhaya maalmaha soo socda.

Masood Khan oo ah danjiraha Pakistan u fadhiya dalka Maraykanka ayaa hadalkan ka sheegay shir ka dhacay magaalada Washington oo uu soo qabanqaabiyey machadka Wilson Center ee qaabilsan Koonfurta Aasiya, kaasoo lagaga hadlay xidhiidhka mustaqbalka ee labada dal.

“Waxaan samaynay dalabkii ugu horreeyey ee la xidhiidha shidaalka Ruushka, waxaanuna tallaabadan qaadnay, annaga oo la tashanay dawladda Maraykanka. Ma jiro wax isfaham waa ah oo naga dhexeeya annaga iyo Washington oo ku saabsan arrintan” ayuu yidhi danjiruhu.