PSG, Liverpool, Man United, Real Madrid, Chelsea Mise City: Jude Bellingham Oo Ugu Dambayn Doortay Kooxda Uu Ka Degayo Xagaaga

0
167

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga  reer England ee Jude Bellingham ayaa gaadhay go’aanka mustaqbalkiisa iyo kooxda uu u wareegayo xagaaga foodda inagu soo haya, iyadoo ay dersin kooxaha waaweyn ee Yurub ah ku dagallamayaan.

Jude Bellingham oo ay da’diisu tahay 19 jir, ayaa soo jiitay indhaha kooxaha lacagta badan ku farraqaya suuqyada, laakiin waxa uu dagaalka tooska ah ka dhax huriyey kooxaha waaweyn ee Premier League, Real Madrid  iyo PSG.

Khadkan dhexe ayaa waxa uu Borussia Dortmund u saftay xilli-ciyaareedkan 39 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 11 gool, waxanaa uu isku muujiyey inuu yahay ciyaartoyga ugu muhiimsan kooxdiisa, isaga oo Koobkii Adduunka si joogto ah ugu soo bilaabanayay xulka qaranka England.

Heshiiska uu Bellingham kula jiro Dortmund ayaa waxa uu ku egyahay sannadka 2025, waxaana laga soo xigtay kooxdiisa inay ku iibinayso £130 milyan oo Gini, taas oo saaxadda ka saartay Liverpool oo q9rtay in aanay awooddeeda u saamaxayn inay la saxeexdaan laacbkan.

Labada kooxood ee Ingriiska ah ee Manchester City iyo Manchester United oo lagu daray Real Madrid ayaa ah naadiyada ugu cadcad ee sida weyn hadda u raadinaya Bellingham oo isaguna kala doortay saddexdan  naadi.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Jude Bellingham ayaa go’aankiisii ugu dambeeyey la wadaagay Borussia Dortmund, waxaanu u sheegay in uu doonayo inuu ku biiro Real Madrid oo uu rumeeo riyadiisii carruurnimada ee Santiago Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa la sheegay in aanay doonayn inay bixiso lacagta ay Borussia Dortmund ku xidhay ciyaartoygan ee ah £130 milyan oo Gini, waxaanay kaliya doonaysaa inay bixiyaan ugu badnaan £105 milyan oo Gini oo u dhiganta 120 milyan oo Euro.