Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa ka qayb galay munaasabad lagu daahfurayay Shirkada flawless oo ah ganacsi taasoo xarunteeda bariga afrika laga daahfuray magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya waxana Shirkada flawless ay dalka keeni doonta dawooyinka iyo agabyada lagu daryeelo maqaarka
Shirkada flawless ayaa xariir ganacsi la leh shirkada konsalakis oo laga leeyahay wadanka koofurta kuuriya taas oo oo soo saarta waxyaabaha lagu daryeelo maqaarka waxaana bariga Africa iyo soomaaliya wakiil uga ah Shirkada flawless oo ay aas aaseen hablo soomaaliyeed.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.