Tababar ku saabsan maamulka xabsiyada ,iyo la dhaqanka maxaabista, oo lagu qabtay Kismaayo.

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Cadaalada Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Jubbaland ayaa magaalada kismaayo tababar ugu daah-furtay qaar kamida ciidanka Asluubta ee Xabsiga degmada Kismaayo.

Tababarkan oo soco doona mudo saddex maalin ah ayaa ciidanka Asluubta lagu bari doonaa maamulka xabsiga, ladhaqanka maxaabista, iyo sara uqaadida aqoontooda.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi