Baladweyne (Radio Beerlula)-Arday u dhashay Kuuriyada Koonfureed, ayaa cunay Moos uu rakibay darbi fannaanka Maurizio Cattelan, isagoo sheegay in uu “gaajaysan yahay” kadib markii xiligii quraacda uu ilaabay inuu cunto cuno.
Farshaxankan oo loo yaqaan “Comedian”, ayaa wuxuu qeyb ka ahaa bandhigga Catelan ee “WE”, iyadoo Mooska bislaadayna lagu dhejiyay gidaarka Matxafka ku yaalla magaalada Seoul, ee la yiraahdo Matxafka Leeum Musuem iyo Arts-ka.
Ka dib markii uu cunay Mooskii, ardaygii, Noh Huyn-soo, ayaa diirka Mooska suray gidaarka, oo ah halkii uu kasoo fujiyey.
Matxafka ayaa markii dambe isla goobta dhigay moos cusub, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Si kastaba ha ahaatee, Matxafka, ayaa wuxuu u soo gudbiyay warbaahinta inaanu daalac u raacan doonin ardetgam kaasoo ah khasaare dhanka magdhawga ah.
Muuska lagu soo bandhigo Matxafka, ayaa la sheegay in labadii ama saddexdii maalmoodba mar la beddelo.