Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiran ayaa waxaa ku nool dhalinyaro badan kuwaas oo dhameeyay jaamacaddaha dalka islamarkaan shaqo ku waayay waxyaabihii ay barteen.
Dhalinyaradan ayaa markii ay shaqo ku waayeen cilmigii ay ka barteen jamaacadaha Magaalada Baladweyne ka hirgeliyay goobo ganacsi oo u gaar ah kuwaasoo Intooda badan ku iibiyaan Shoobinka Noocyadooda kala duwan sida Saliida, Saabuunta, oomada,Shaambada iyo qaybo kale oo kamid ah shoobinka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.