Wasaaradda waxbarashada Hirshabelle oo Baladweyne ka daah furtay imtixaanka wareysiga ee laga qaadayo macalimiinta dowladda.

0
240

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka waxbarashadda Hiddaha iyo tacliinta sare ee Hirshabeelle mudane Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa maanta magaaalada Baladweyne ka daah furay imtixaanka wareysiga ee laga qaadi doono macalimiinta dowladda ee ka soo gudubtay imtixaankii qoraalka ee laga qaaday.

Macalimiintan oo tiradooda ay gaareyso 195 macalin ayaa muddo saddex maalmood ah mari doona imtixaanka wareysi ah oo lagu hubin doono xogta ku saabsan waxbarashadooda, tariikh nololeedkooda iyo kaalinta ay ka qaadan karan horumarinta waxbarashadda.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey