Baladweyne (Radio Beerlula)-Rikoodh cusub oo aanay cid hore samaynin ayaa caawa loo diiwaangeliyey weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland, kaddib markii uu gool ka dhaliyey West Ham United ciyaartii ay 3-0 ku karbaasheen ee ka dhacday garoonka Etihad Stadium.
Baas qurux badan oo uu ka helay Jack Grealish ayaa uu Erling Haaland weydaariyey Lukasz Fabianski, waxaana uu noqday goolkiisii 35aad ee xilli-ciyaareedkan uu ka dhaliyo horyaalka Premier League, waana dhacdo ugub ah iyo wax aanay cidina hore u samaynin.
Andy Cole oo u ciyaari jiray Manchester United ayaa xilli-ciyaareedkii 1993/94 waxa uu dhaliyey 34 gool oo horyaalka Premier League ah, waxaase barbarreeyey Alan Shearer oo Newcastle United u ciyaarayay xilli-ciyareedkii 1994/95.
28 sannadood oo ay Andy Cole iyo Alan Shearer haysteen rikoodhka gool-dhalinta ugu badan ee horyaalka oo 34 gool ahayd, waxa caawa dhaafay Erling Haaland oo 35 gool dhaliyey, iyadoo waliba ay kooxdiisa u hadhsan yihiin shan ciyaarood oo kale oo horyaalka ah oo uu sii dheeraysan karo rikoodhkii gool-dhalinta.
Toddobaadkii hore ciyaartii ay 4-1 ku burburiyeen Arsenal ayaa uu Haaland barbarreeyey goolasha Andy Cole iyo Alan Shearer, ka hor intii aanu caawa taariikhda isku qorin.