Dal Muslim ah oo eey ugu abaal guday dal kale

0
145

Baladweyne (Radio Beerlula)-Eeyga nooca loo yaqaan adhijirka Jarmalka ama afka qalaad “German shepherd” ayaa ka degay Mexico ka dib markii Turkiga lagasoo duuliyey, si uu Turkigu ugu muujiyo Mexico abaalka ay u gashay ka dib markii ay ku caawisay eeyo loo adeegsaday in lagu baadi goobo dadka ku jiray dhismeyaasha hoostooda ka dib markii uu Dhulgariir ku dhuftay Turkiga bishii Febraayo ee sannadkan.

Turkiga ayaa sheegay in uu rajeynayo in eeygan yari “sii wadi doono dhaxalkii” Proteo oo ahaa ey ku dhintay hawl galkii dadka lagu baadi goobayey kana mid ahaa kuwa ay Mexico ku deeqday.

In ka badan 50,000 oo qof ayaa ku dhintay dhul-gariirka oo Turkiga u badnaa balse sidoo kale saameeyay qaybo ka mid ah Suuriya .

Wasaaradda gaashaandhigga Mexico oo iyadu laylida eyda loo adeegsado baadi goobka iyo samata bixinta ee dal iyo dibadba ayaa, ayaa dadweynaha ka codsatay in ay u codeeyaan mid ka mid ah saddex magac oo kala ah: Proteo kii labaad, ‘Arkadas’ oo afka Turkiga ka dhigan Saaxiib ama ‘Yardim’ oo af Turkish ah, kana dhigan gargaar.