Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha jubbland mudane Aweys Maxamed Xuseen wasiir kuxigeenka wasaaradda dhalinyaradda ciyaaraha jubblnd Faadumo Cali Cabdikariim iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamul gobaleedka jubbland ayaa magaalada kismaayo ku qabtay kulan looga hadlaayay Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waxaa kulanka kasoo qayb galay dhalinyaradda qeybaheeda kale duwan ee magaalada kismaayo waxa uuna qorshaha yahay inay ka tala bixiyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed siyaasadda qaran taasi oo dhawaan la horgeeyn doono golaha wasiiradda xukuumada federaalka Soomaaliya.
Warbixintan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud