Wasaaradda waxbarashada Hirshabeelle oo Baladweyne ku soo gaba gabeysay imtixaankii wareysiga ee macalimiinta dowladda.

0
207

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa lagu soo gabagabeeyay wajiga labaad ee imtixaanka wareysiga ee macalimiinta dowladda gaar ahaan kuwa gobolka Hiiraan.

Imtixaankan wareysiga oo ay ka qeyb galeen 195 macalin ayaa ku saabsanaa hubinta xogta waxbarashada macalimiinta, tariikh nololeedkooda iyo kaalinta ay ka qaadan karan horumarinta waxbarashada.

Warbixintan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.