Baladweyne ( Radio Beerlula )-Paris Saint-Germain ayaa waxay dareensan tahay, in xidhiidhka ka dhexeeya xiddigeeda Neymar Jr uu xun yahay, isla markaana la taagan yahay waqtigii lasoo afjari lahaa waayihiisa Parc des Princes ee la iska diri lahaa.
Taageereyaasha PSG ayaa toddobaadkan mudaharaad ku dhigay bannaanka guriga Neymar oo ku maqan dhaawac uu ku seegay kulamadii Champions League ee Bayenr Munich, waxaanay jamaahiirta PSG u sheegeen in uu ka tago kooxda iyaga oo ku qaylinayay ereyo aflagaaddo ah.
Laacibkan ayaa isaguna kaga falceliyey in uu calaamadda ‘LIKE’ ee ka helista uu saaray qoraal lagu sheegayo inuu ka tago PSG, taas oo dabka kusii shidday xaaladda laacibkan ee kooxdiisa.
Heshiiska uu Neymar kula jiro PSG oo ay ka hadhsan yihiin laba sannadood, ayaa wxa si weyn ay kooxuhu uga cago jiidayaan mushaharkiisa aadka u8 badan , laakiin waxa la sheegay in Newcastle United oo uu Sucuudigu maalgelinayo ay diyaar u tahay inay la saxeexato Neymar oo ay ku qadato amaah uu la socdo dookh iib.
Manchester United oo hore loola xidhiidhinayay ayaa waxa ka hormartay Newcastle oo doonaysa in ay St James’ Park keento xiddigo waaweyn oo kusoo jeediya indhaha adduunyada, maadaama ay u dhow yihiin inay ku dhamaystaan afarta sare oo ay tartanka Champions League kasoo qayb-geli doonaan.