Paris Saint-Germain ayaa waxay dareensan tahay, in xidhiidhka ka dhexeeya xiddigeeda Neymar Jr uu xun yahay, isla markaana la taagan yahay waqtigii lasoo afjari lahaa waayihiisa Parc des Princes ee la iska diri lahaa. Xagaagii hore, waxa jiray warar sheegayay in PSG ay suuqa dhigtay Neymar oo ay iibinayso, haddana sidii oo kale ayaa bilaabantay balse hadda waxa kalsooni badan lagu qabaa in uu soo dhamaanayo waqtigii laacibkan ee PSG. Taageereyaasha PSG ayaa toddobaadkan mudaharaad ku dhigay bannaanka guriga Neymar oo ku maqan dhaawac uu ku seegay kulamadii Champions League ee Bayenr Munich, waxaanay jamaahiirta PSG u sheegeen in uu ka tago kooxda iyaga oo ku qaylinayay ereyo aflagaaddo ah. Laacibkan ayaa isaguna kaga falceliyey in uu calaamadda ‘LIKE’ ee ka helista uu saaray qoraal lagu sheegayo inuu ka tago PSG, taas oo dabka kusii shidday xaaladda laacibkan ee kooxdiisa. Sida ay sheegtay idaacadda Cadena SER ee xarunteedu tahay waddanka Spain iyo wrgeyska Sport, PSG ayaa waxay go’aansatay in ay Neymar iska dirto, waxaana haddii ay waayaan koox ka iibsata ay ku diri doonaan amaah uu la socdo qodob dhigaya dookh iib oo ay xagaaga ku diri doonaan xiddigan. Heshiiska uu Neymar kula jiro PSG oo ay ka hadhsan yihiin laba sannadood, ayaa wxa si weyn ay kooxuhu uga cago jiidayaan mushaharkiisa aadka u8 badan , laakiin waxa la sheegay in Newcastle United oo uu Sucuudigu maalgelinayo ay diyaar u tahay inay la saxeexato Neymar oo ay ku qadato amaah uu la socdo dookh iib. Manchester United oo hore loola xidhiidhinayay ayaa waxa ka hormartay Newcastle oo doonaysa in ay St James’ Park keento xiddigo waaweyn oo kusoo jeediya indhaha adduunyada, maadaama ay u dhow yihiin inay ku dhamaystaan afarta sare oo ay tartanka Champions League kasoo qayb-geli doonaan.

0
135

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeyga reer Nigera ee Nwankwo Kanu ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Arsenal ay u baahan tahay inay iska xoojiso boos kasta oo garoonka ah ka hor inta aanay kusoo laabanin garoomada xilli-ciyaareedka dambe oo ay ka qayb-geli doonto tartanka Champions League oo ay muddo lix sannadood ah ka maqnayd.

Arsenal oo kaalinta labad kaga jirta horyaalka Premier League oo Arbacadii ay Man City kala wareegtay booska koowaad, ayaa waxay mar horeba xaqiijisatay booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, iyadoo ka maqnayd wixii ka dambeeyey xilli-ciyaareedkii 2-15/16.

Kanu oo khibrad badan u leh tartanka Champioins League oo uu laba sannadood oo isku xiga finalka tegay waqtigii uu u ciyaarayay Ajax, isla markaana uu la qaday sannadkii 1996kii, ayaa waxa uu sidoo kale ka mid ahaa xiddigihii Arsenal ee lagu naanaysi jiray ‘Invincibles’ ee iyaga oo aan halmaar laga badinin ku guuleystay horyaalka Premier League sannadkii 2004.

Waraysi uu bixiyey Nwankwo Kanu ayaa lagu weydiiyey waxa ay u baahan tahay Arsenal xilli-ciyaareedka dambe, waxaanu ku jawaabay: “Arsenal waxay xilli-ciyaareedka dambe kusoo laaban doontaa Champions League iyadoo xooggan. Waxay doonayaan in ay si buuxda ugu tartamaan oo ay ciyaartooda soo bandhigaan.

“Haddii ay kooxdau sidan iskugu dhannaato oo lagu soo kordhiyo ciyaartooyo khibrad leh, waxay ahaan doonaan kuwo tartama oo waliba korriin sameeya.

“Hadda waad  arki karaysaan in marka ciyaartoy kuwa joogtada ah uu toddobaadyo maqnaado sida William Saliba, in kooxdu gelayso xaalad adag.”

Nwankwo Kanu ayaa waxa uu magacaabay afarta ciyaartoy ee uu doonayo inay Arsenal sii joogaan sannadaha badan, kuwaas oo uu u arko in ay yihiin xiddigaha wada kooxda, waxaanu yidhi: “Waxa aan rajaynayaa in kooxdan ay sii wadan doonaan ciyaartoyda hibada badan, sida Ramsdale, Gabriel, Odegaard iyo Saka. Waa ciyaartooyo da’yar oo hibadoodu sarrayso, waanad arkaysaa sida heerka sare ah ee ay kooxda ugu ciyaarayaa.”