Kulan looga hadlayay xaalada barakacayaasha oo lagu qabtay Muqdisho

0
145

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho, iyo xubno ka tirsan xafiiska UNSOM.

Duqa Magaalada Muqdisho iyo Marwo Kiki ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin
xal u helida Arrimaha barakacayaasha maadaama magaalada Muqdisho ay marti-geliso kumanaan Barakacayaal oo siyaabo kala gedisan ugu kala yimid Gobolada dalka, kuwaasi oo kasoo hayaamay dhibaatooyinka Abaareed.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.