Webiga shabeelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah Baladweyne iyo madaxda Hirshabeelle oo ka shirtay arintan.

0
205

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo soo gaaray Magaalada Baladweyne ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka Hiiraan, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa fatahaada webiga shabeelle uu ka geystay qeybo ka mid ah magaalad Baladweyne iyo xalinta khilaafka dhax jira maamulka gobolka.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey