Caruur loo diiday iskuul dowladeed oo dacwad geeyay maxkamad si loogu ogolaado ineey waxbartaan.

0
178

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamaddan oo fadhigeedu yahay magaalada Zomba ee bariga dalkaasi, ayaa go’aan ka soo saartay dacwad ay keeneen laba carruur ah oo loo diiday inay galaan dugsiyada dawladda sannadihii 2016 iyo 2010-kii.

Labada arday ayaa, si kastaba ha ahaatee, aaday dugsiga ka dib markii ay heleen amar maxkamadeed.

Wadahadalo u dhaxeeyay bulshada Rastafarian ee Malawi iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka si arinta loo xaliyo ayaa fashil ku dhamaaday taasoo keentay in dacwad sharciyeed oo daba dheeraaday, kaas oo go’aankiisa la gaaray Isniintii.

Xaakimka maxkamada Zione Ntaba ayaa go’aamiyay in ka hor istaagida caruurta ee iskuulada ay tahay meel ka dhac xuquuqdooda waxbarasho.