Maamulka degmada Baladweyne oo kormeeray qeybo ka mid ah meelaha uu ka fatahay webiga shabeelle

0
108

Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasow iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada Baladweyne ayaa kormeeray xaafaddaha Howlwadaag, Kooshin iyo Buundo weyn oo ka mid ah meelaha sida weyn uu ugu fatahay webiga shabeelle.

Boqolaal qoys oo ku noola xaafaddaha magaalada Baladweyne ayaa guryahooda uga barakacay fatahaada webiga shabeelle kuwaasoo guryo ku meel gaar ah ka sameystay deegaanka Ceel jaale, halka kuwa qaarna ay degeen xaafaddaha qaar oo aysan wali gaarin fatahaada.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey