Ciidanka Jabuuti oo deeq kala duwan gaarsiyay dadkii ka barakacay fatahaada Baladweyne ee ku nool xaafadda Ceel jaale.

0
107

Baladweyne (Radio Beerlula)-Saraakiisha iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ku meel gaarka midowga Afrika ee ATMIS islamarkana ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa deeq iskugu jirta raashin, biyo iyo daawo gaarsiiyay qoysaska ka barakacay fatahaada webiga shabeelle ee ku sugan xaafadda Ceel jaale ee magaalada Baladweyne.

Qeybinta deeqdan ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada Jabuuti Hiil walaal Sagaal Col Xumad Axmed Maxamed iyo taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada ATMIS Col Xassan Jaamac Faarax.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.