Tababar ku saabsan isku dhafka maareynta biyaha oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

0
116

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee Maamulka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furtay tababar ku saabsan isku dhafka maareynta kheyraadka biyaha .

Tababarkan oo loo qabtay shaqaalaha wasaaradda iyo qaybaha kale ee bulshada rayidka ayaa waxa uu socon doono mudo 5 maalmood ah, inta uu socdo tababarkaan ayaa waxa lagu qaadan doonaa cashiro la xiriira isku dhafka iyo mareynta kheyraadka dabiiciga ah iyo biyaha.

Warbixintan waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaneey.