Xuska Maalinta caalamiga ee Iftiinka oo maanta dunida looga dabal degayo.

0
138

Baladweyne (Radio Beerlula)-Sanadkasta marka la gaaro 16-ka May manta oo kale dunida waxaa laga xusaa maalinta caalamid ah ee iftiinka si kaalin looga qaato ka qayb qaadashada tignoolajiyada iftiinka

Maalinta Caalamiga ah ee Iftiinka waxaa looga dabaaldegaa adduunka oo dhan iyada oo loo marayo munaasabado iyo golayaal ay soo abaabulaan dadka gudaha iyo dibaddaba

Tan iyo waayihii hore, aadanuhu waxay isticmaaleen walxo kala duwan si ay u soo saaraan iftiin,

Isku duwaha wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Dowlad goboleedka Hirshabelle ee gobolka Hiraan Cawil Maxamad Jibriil ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimadda maalintan

Maxamad Xasan Cumar oo ah maamulaha guud ee shirkadda Al-towba oo ku taallla xaafadda Hoolwadaag ee Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay adeegyada ay bulshada siiyaan iyo leeyrarka bilaashka ah ee lagu xeray wadooyinka magaalada si loo helo Iftiin
Qaar kamid ah bulshada Baladweyne aya Radio Beerlula uga waramay sida ay u isticmaalaan ifitiinka iyo muhiimadda uu u leeyahay

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.