Cilmi baare u dhashay dalka Maraykanka, ayaa jabiyay rikoorkii wakhtiga ugu dheer ee uu ku noolaanshaha biyaha hoostooda, isagoon niyad jabin.

0
183

Baladweyne (Radio Beerlula)-Joseph Dituri, ayaa wuxuu ku dhex jiray in ka badan 74 maalmood, halka ugu hooseysa ee gunta hoose oo ku taalla Key Largo, Florida.

Ma jirto illaa iyo haatan qorshe uu kusoo afjarayo xiligan dheer.
Axadii, ayaa wuxuu sheegay inuu sii joogi doono badda hoosteeda ugu yaraan 100 maalmood oo kale.”Xiisaha aan ka helo badda hoosteeda, ayaa ii horseeday inaan ku jiro goobtani,” ayuu yiri.

“Hadafkayga maalintii koowaadba wuxuu ahaa inaan dhiirigeliyo jiilalka soo socda, iyo saynisyahanada iney wax ka bartaan nolosha badda hoosteeda, oo aan wax ka ogaanno sida jirka bini’aadamku ugu shaqeeyo jawigani daran,” ayuu hadalkiisa raaciyay.