Dalal mamnuucaya app-yada la isku qurxiyo.

0
118

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowladaha Norway, UK iyo faransiiska ayaa wada qorshe lagu mamnuucayo app-yada la isku qurxiyo kuwaasoo inta badan lagu badalo sawirka iyo muuqaalka qofka taasoo sameyn kala duwan ay ka dhalato.

Dowladahan ayaa dajinaya  lagu xakameynayo farsamooyinka tikoolajiyadda ee sawirrada iyo muuqaallada lagu baddalo.

App-kan ayaa dadka isticmaala waxaa uu fursad u siinayaa inay qaabka uu wajigooda u egyahay ay wax ka baddalaan, sida in finanka uu ka baabi’iyo amaba gabi ahanba ay baddalaan qaabka ay u egyihiin.

Tusaale ahaan waxaa ay wajigooda ka dhigi karaan mid dhuuban , waxay baddali karaan baaxadda indhahooda iyo qaabka ay u egyihiin amaba sanka oo ay isbaddal ku sameyn karaan.

App-kan oo markii hore lagu baddali jiray oo kali ah sawirrada ayaa waxaa ay shirkadda FaceTune ay dhawaan xarigga ka jartay nooc kale oo lagu baddalo muuqaallada kaasi oo ilaa iyo imika noqday mid si wayn loo isticmaalo oo taabba galay.

Dhanka kale app-ka kale ee caanka ah ee photos – Perfect365 ee aadka caanka uga ah baraha bulshada ayaa lagu wadaa in ay dhawaan xarigga ka jaraan nooc kale oo lagu baddalo muuqaallada.

Aasaasaha shirkadda Lightricks ‘ Zeev Farbman ayaa sheegay in app-yadan dadka ay siinayaan awoodda 80% halka 20% uu yahay software si xirfadeysan loo sameeyay.