Tababar ku saabsan hogaaminta maamulka Maxalliga oo laga daah furay Muqdisho.

0
118

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan Hogaaminta Maamulka Maxalliga ah oo diiradda lagu saarayo waajibaadka shaqo ee xubnaha Goloyaasha deegaanka Xamar, waxana tababarkan si wada jir ah u furay guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Mudane Feysal Caraale Afrax.

Tababarkaan oo socon doonna ilaa 3 maalmood ayaa waxaaa si gooni ah uga faa’iideysanayo Guddoomiye Kuxigeenada Degmooyinka ee arrimaha bulshada iyo Siyaasadda sidoo kale hogaanka ururada dhalinyarada ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.