Munaasabad lagu daah furayay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho.

0
113

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

Shuruucda iyo habraacyada muhiimka ah ee hagaya Hay’adda Duulista Rayidka ah oo ay meel mariyeen goleyaasha dowladda ayaa suuraglisay in hay’addu ay noqoto mid la jaanqaadaysa hay’adaha dhiggooda ah ee adduunka, iyada oo hay’addu sameynaysay sannadihii dhawaa horumaro kala duwan.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin