Baladweyne (Radio Beerlula)-Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Shamso Maxamed Yarow ayaa magaalada Beydhabo ka dhagaxdgigtay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka DGKGS iyo Xaruunta Howlgalka Deg-Dega ee Caafimaadka Koonfur Galbeed.
Waxa qeyb ka ahaa dhagaxdhigan Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta, Howlaha Guud, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Agaaismaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin kale.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.